Ciidanka XDS oo sheegay in ay  dileen Xubno ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen tuulooyin hoostaga  deegaanka Bariire ee gobolka Shabellada hoose waxa ay ku soo qabteen qaraxyo,waxaana Saraakiisha Ciidanka horkacaya ay sheegeen in ay Al-shabaab ay ku diyaariyeen qaraxyadaasi duleedka bariire.

Taliyaha ururka 143 ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa sheegay in howlgallo ay saacadihii lasoo dhaafay ay ciidamada xoogga ka wadeen lagu soo qabtay qaraxyo.

Dhamme Axmed Xasan Siyaad waxa uu sidoo kale sheegey  in ciidamada xoogga dalka ay soo saareen qaraxyo qaraxyo kale oo sida uu sheegay dagaalamayaasha Al-shabaab ku aaseen Tuuloyin hoostaga gobolka shabellada hoose

Hawlgalka qaraxyada lagu soo qabtay ayey saraakiisha xoogga dalku sheegeen in lagu dilay xubno ka tirsan Shabaab kuwaasi oo uu tiradooda ay gaarayso  sida ay sheegen Saraakiishu 13-ruux.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media