Luul Jaylaani oo beenisay warar laga faafiyay oo sheegayay inay geeriyootay

Iyadoo saacadihii lasoo dhaafay  uu Baraha bulshada si weyn ugu faafay war sheegayay in ay  magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ay ku geeriyootay Fannaanaddii caanka ahyd ee Luul Jaylaani ayaa waxaa arrintaasi ay noqotay mid been ah oo ah wax kama jiraan.

Luul Jaylaani oo hadashay ayaa sheegtay in warkaasi uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn, waxaana ay warbaahinta u xaqiijisay in ay nooshahay.

Waxaana Luul Jaylaani ay ka mid tahay hobolladii Qaranka ee Waabari, waxayna caan ku aheyd lahjadda Xamariga, Ama Heesaha Banaadiriga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor