Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga hir-gelinta Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo gaaray Magaalada Baydhabo.
Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen oo kulan saacado qaatay la yeeshay Guddiga ayaa ka dhagaystay Warbixin ku saabsan waxyaabaha u qabsoomay iyo qorshaha uga degsan sidii ay u qaban lahayeen Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Gudoomiyaha Gudiga Hir-gelinta Doorashooyinka Heer Federaal Mudane Maxamed Xasan Maxamed (Ciro) iyo Gudoomiyaha Gudiga Hir-gelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Yuusuf Cabduqaadir Maxamed ayaa si wadajir ah Madaxweynaha Warbixin uga siiyey Udiyaar garowga Doorashada Aqalka Hoose Dhinacyada Farsamada, Foomamka,Habraacyadii lagu shaqaynayey iyo Maaliyada waxaana dhanka kale Gudiga ay ka warbixiyeen sida ay doonayaan inay uqabtaan Doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddiga hirgelinta ayaa dhanka kale Madaxweynaha ku bogaadiyey dadaalkii uu ku bixiyey soo afjarada khilaafkii ka dhexeyey Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Gudiga uga Mahadceliyey Booqashada ay ugu imaadeen iyo Warbixinta ay la wadaageen.
Gudiga Hirgelinta Doorashoiyinka Heer Federaal ayaa Maalmo joogi doona Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ahna Caasimadda KMG ah ee Maamulkaas si ay kulan ula qaataan Qeybaha kala duwan bulshada Magaalada Baydhabo.