Gabar yar oo si Arxan daro ah loogu dilay Magaalada Nairobi

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi si arxan daro ah loogu dilay Gabar yar.

Dilka Gabadhan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi,isla markaana Meydkeeda la jarjaray sida ay sheegeen Ehelada Gabadha yar,taasi oo magaceeda lagu soo gaabiyay Ismahaan.

Sidoo kale waxaa la tilmaamayaa in Ismahaan oo da’ahaan jirtay 14-sano ay todobaadyadii la soo dhaafay ay la joogtay dad ay ehel ahaayeen,kuwaasi oo kunool Xaafdda Islii ee Magalada Nairobi.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in Hooyadda dhashay Gabadha ay ku nooshahay Xeryaha Qaxootiga Kaakuma eek u yaalla Kenya,iyadoona dilka gabadheeda ku eedeeysay Haweeney la sheegay in ay qaraabo yihiin.

Ciidanka Booliska dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay Haweeyneydii falkan geystay,isla markaana xabsi ku yaalla halkaasi lagu xiray.

Arrintaan ka dhacday Xaafadda Islii ee Soomaalida ku badan tahay ee Magalada Nairobi ayaa ku soo aadeysa xili shalay Xaafad ka tirsan Magaalada Gaalkacyo laga helay Meydka Gabar yar oo 13-sano jir  aheyd oo si xun loo dilay,waxaana dhacdadaan ay  saameeyn weyn ay ku reebtay Shacabka Soomaaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media