Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed finish ayaa hoyga uu ka degan yahay Caasimadda dalka kulan kula qaatay Hoggaanka Ururada Bulshada Rayidka.
Kulanka dhexmaray Guddoomiye Cumar Finish iyo Hoggaanka Ururada Bulshada ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed dalka iyo sidii Ururada Bulshada uga qeyb qaadan lahaayeen heshiis ay gaaraan Madaxda dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka.
Guddoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka Tahliil Muxyadiin Shaatax oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in qodobada kulanka looga hadlay ay kamid yihiin arrimaha doorashooyinka dalka ee sanadkaan 2020/2021 iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dadaalada socda.
Guddoomiye Tahliil Shaatax ayaa Duqa Magaalada ugu mahadceliyay shaqada qanaagsan ee uu qabtay, waxa ayna ku booriyeen in Gudoomiye Cumar Filish uu sii labo jibaaro dadaalada hormarineed ee Caasimadda uu ka wado.
Hoggaanka Ururada Bulshada Rayidka ayaa horey kulamo siyaasadeed ula soo qaatay Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyneyaasha maamul Goboleeduyada dalka, siyaasiyiin iyo xubno kale, waxaana kulamadaas looga hadlay Doorashada dalka Somalia.