Laamaha Amniga oo gacanta kusoo dhigay Rag fal dhaawac ka geystay Muqdisho

Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa howlgal ku soo qabtay koox dhallinyaro ah oo ku eedeysan burcadnimo hubeysan, kuwaas oo Booliska sheegay in falal amni darro ay gacanta kula jireen xilliga la qabtay.

Taliska Booliska degmada Hodan ayaa sheegay in kooxda dhaawac u geysatay labo ruux, iyaga oo ku dhaawacay Mindiyo ay wateen, Kadibna ka qaatay Taleefanadoodii, waxaana haatan raggaas ay ku xiran yihiin Saldhig Boolis oo ay leeyihiin ciidamada.

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay sidoo kalen gacanta kusoo dhiogay nin kale oo isna ku eedeysan inuu dhac ka soo geystay Degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho iyo Mooto Bajaaj uu watay.

Booliska Muqdisho ayaa xoojiyey howlgalada ka dhanka ah burcada ah dhac joogto ah ku heysa shacabka magaalada kuwaasoo ka qaadanaya telefanada iyo agabka kale ee ay wataan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor