Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo khamiis ah ka dhaceysa Magaalada Dhuusamareeb, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.
Guddiga doorashada SEIT ee Maamulka Galmudug ayaa dhammeystiray diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo doorashadoodu saacado kadib ka bilaabaneysa Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.
Kuraasta doorashadoodu dhaceyso ayaa waxa kala yihiin HOP049 oo dhowrkii sanno ee lasoo dhaafay uu ku fadhiyey Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, kursiga HOP051 ayaa waxaa ku fadhiyey Xasan Macalin Maxamuud.
Sidoo kale kursiga HOP139 ayaa waxaa horey ugu fadhiyey Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed oo u wareegay dhanka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka iyo kursiga tirsigiisu yhay HOP061 oo uu ku fadhiyo Cabdiweli Maxamed Qanyare.
Doorashada Maanta ka dhaceysa Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona wafdi ka socda Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo xubno kale, waxaana doorashada Maanta laga reebay kursiga HOP071 oo doorashadiisa muran ka dhashay.