Axmed Madoobe oo kulan la yeeshay xubno ka socday Dowladda iyo M/Goboleedyada

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xalay Magaalada Kismaayo kulan casho sharaf iyo sagootin ah ugu sameeyey Guddiyada shaqaalaha rayidka ee Soomaaliya kuwaa oo shantii casho ee lasoo dhaafay kulan wadatashi ah oga socday Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa  kula dardaarmay Guddiyada shaqaalaha rayidka ee Soomaaliya in si hufnaan leh oo cadaaladi ku dheehantahay loo maro hanaanka shaqaalaha rayidka ah kuwaa oo udub dhaxaad u ah adeegyada bulshada loo hayo.

Shaqaalaha rayidka ah ayuu sheegay Madaxweyne Axmed Madoobe in loo baahanyahay in la ilaaliyo xuquuqda ay leeyihiin, sidoo kalana lagu ilaaliyo waajibaadkooda shaqo oo lagu kor joogteeyo, isagoona Carabka ku dhuftay in baahi loo qabo shaqaale Rayid ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa tilmaamay inay jiraan caqabado farabadan oo dhallinyarada ka heysta inay shaqo helaan, wuxuuna xusay in siyaasadda dowladda aysan ku filneynin xakameynta shaqo la’aanta heysata dhallinyarada Soomaaliyeed.

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa maalin kahor lagu soo gaba-gabeeyay shirkii maalmihii lasoo dhaafay u socday Guddiyada Shaqaalaha heer Fedral iyo heer dowlad Gobaleed iyo Gobalka Banaadir.

Shirka ayaa lagu falanqeeyey arimo muhiim u ah shaqalaaha Soomaaliyeed, iyadoo ugu dambeyn heshiis muhiim ah ay wada saxiixdeen dhammaan guddiyada, kana soo saarayn war murtiyeed ka kooban 11 qodob oo muhiim u ah wada shaqynta guddiyada shaqaalaha iyo dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor