Afhayeenka Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR), Adrian Edwards oo Saxaafadda kula hadlay Xarunta Dhexe ee UNHCR ku leedahay magaalladda Geneva ee dalka Switzerland ayaa sheegay inay Kumanaan Qaxooti Soomaali ah iskooda isugu diiwaan geliyeen inay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo.
Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray inay 4,500 oo Qaxooti Somali ah la diiwaan-geliyey, lana siiyey Kharajkii iyo Agabka kale ee ay ku soo safri lahaayeen, wuxuuna xusay inay dib ugu soo laaban doonaan Somalia dhowrka bilood ee soo socda.
Dhinaca kale, Afhayeenka Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR), Adrian Edwards waxa uu tilmaamay inay ku-dhawaad 5,000 oo Qaxooti Soomaali ah ku soo laabteen dalkooda hooyo tan iyo wixii ka dambeeyey bishii December ee sannadkii hore ee 2014-ka.
Hadalka Afhayeenka ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo Shirweyne Caalami oo looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga Soomaalida ku sugan Xeryaha Qaxootiga ee ku yaalla W/bari Kenya uu maalinta Arbacadda ee soo socota ka furmi doono Caasimadda dalka Belgium ee Brussels.
Shirkaasi waxaa Dowladda Federalka Somalia uga qeyb geli doona Ra’isul-wasaare Cumar C/rashiid, halka ay Dowladda Kenyana ay uga qeyb galayso Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Amina Mohamed.
Madaxa Hay’adda UNHCR, Antonio Guterres ayaa shir guddoomin doona Kulankaasi oo looga hadlayo Dib-u-soo-celinta Qaxootiga Soomaalida iyo sidii loo dhisi lahaa Deegaanadda ay Qaxootigaasi ku laaban doonaan.
© Radio Dalsan