Waxaa goordhaw furmay kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaas oo ka furmay xaruntooda KMG ah ee villa Hargeysa eek u dhex taalla madaxtooyada dalka.
Kulanka oo ah kii 7-aad ee kalfadhigiisa 7-aad ayaa waxaa shir guddoominaya guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,waxaana goobjoog ka ah inta badan xildhibaanada golaha Shacabka.
Ajendaha kulanka ayaa ah dhamaystirka ka doodista xeerka kuraasta gobolada waqooyi iyo ka doodista xeerka matalaadda gobolka Banaadir,oo shaly si aad ah mudanayaashu ay uga doodeen,168 Xildhibaan ayaa goobjoog ah fadhiga.