Taliyeyaasha Ciidamada Booliska Gobolada dowlad Goboleedka Puntland ayaa kulan gaar ah oo looga hadlaayay amniga ku yeeshay Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee Puntland.
Kulankan oo uu shir Guddoominayay Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Puntland Gen Cabdi Xuseen Xasan ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhexeeysa Talisyada iyo Ciidanka Booliska.
Kulanka ayaa waxaa kaloo looga hadlay inta uu socday sidii la isaga kaashan lahaa xoojinta amniga iyo la dagaalanka Al-shabaab iyo Daacish oo xiliyada qaarkood falal amni darro ka geysta Magaalooyin ka tirsan Maamulkaas.
Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in muhiim ay tahay in Talisyada Gobolada Puntland ay yeeshaan wadashaqeyn, isla markaana la xoojiyo sugida amniga deegaanada Maamulka, lagana shaqeyo sidii looga hortegi lahaa amni darro dhacda.
Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyeyaasha Booliska Gobolada Bari, Karkaar, Nugaal, Sool ,Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu ee Puntland, waxaana kulankaas oo ka dhacay Magaalada Qardho shir guddoomiyay Taliye Cabdi Xuseen Xasan.