Kulan dhexmaray Wasiiro ka tirsan DFS & Madaxweynaha Puntland oo kusoo dhamaaday Isfaham la’aan

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxa kulan ku yeeshay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliy.

Kulanka oo ahaa mid Albaabada u xirnaayeen ayaa waxaa looga hadlay  arrimo kala duwan oo ay uga weyn tahay  arrinta ah sidii loo xalin lahaa Khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland.

Wasiirada ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo dhammantood ka soo jeeda Puntland ayaa Madaxweyne Saciid Deni ka dalbaday qodobo ah ah inuu ka baaqdo ka qeyb galka Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe,hayeeshee Deni uu ka diiday dowladda dalabkaas.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa dowladda ka dlbatay inuu joojiyo taageerada uu siinayo Jubbaland,waxaana la sheegay inuu iyadana arrintaasi diiday,iyadoona kulankii Wasiirada ka socday dowladda iyo Madaxweynaha Puntland uu soo dhammaaday isfaham la’aan.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Wasiiradii ka socday dowladda eek a soo jeeda Puntland ee shalay gaaray Magaalada Boosaaso Manata dib ugu soo laaban doonaan Magaalada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media