Deegaanka Yaaqbari weyne ee gobolka Shabeellada hoose waxaa maanta lagu qabtay kulan qayb ka ah kulamada lagu Soo afjarayo colaada beelo ood wadag ah oo dhawaan ku dagalamaya degmada Walweyn iyo deegaananada hoos yimada qaar kamid ah.
Kulanka waxaa kaqayb galay wasiirka dekedaha dowladda goboleedka koofur galbeed, taliyaha guutada 7 aad qaybta 60 aad ee ciidanka Dhulka,taliyayaasha uruurada Danab,54 aad iyo uruurka 35 aad iyo kusimaha gudoomiyaha degmada Walweyn
Sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ka ahaa waxgardka beelihii dirirtu ku dhex martay degmada Wanla weyn….
Wasiirka dekedaha dowladda goboleedka Koofur galbeed ayaa waxgaradka ugu baaqay in wixii dhacay laga noqdo xalay dhalay sidoo kale la ilaaliyo nabad-galyada degaanka.