Madaxweynaha dalka Nigeria Maxamad Buhari ayaa cambaareeyey weeraro isku xigxigay oo kooxo hubaysan ay ku dileen 47 qof, weeraradan ayaa ka dhacay deegaanka uu madaxweyne Buhari kasoo jeedo ee Katsina ee waqooyiga dalkaasi maalmihii Sabtida iyo Axadda.
Kooxa hubeysan oo watay mootooyin ayaa weerar ku qaaday deegaannada Safana, Dutsinma iyo Danmusa oo ku wada yaalla Waqooyiga galbeed dalka Nigeria.
Waxay dableyda weerarka soo qaadday rasaas oodda kaga qaadeen dadkii deegaannadaasi ku noolaa iyaga oo dad badan halkaasi ku dilay, dhammaan guriyihi tuuloyinkasi ku yiillayna dab qabadsiiyey.
Madaxweynaha Nigeria Mohamadu Buhari oo weerarkaasi cambaareeyey ayaa sheegay iney dambiilayaashu ay ka faa’ideysanayaan xayiraadda dalka saaran, ee ay dowladda soo rogtay si loo xakameeyo faafitaanka cudurka Coronavirus.
Muwaaddiniinta Nigeriaya-na wuxuu ku boorriyey ineysan raja beel ku abuurin dilalka foosha xun ee dhacaya.