Golihii adeega Garsoorka ee Soomaaliya oo la kala diray (Wareegto Madaxweyne)

Wareegto uu ku saxiixan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa lagu kala diray Golihii Adeega Garsoorka Soomaaliya.

Digreetadan oo 11-kii Bishaan soo baxday ayaa lagu sheegay in wixii ka dambeeya Maalintaasi dalka aysan ka jirin Adeeg Garsoor Maadaama golahaasi aysan ku dhisneen sharci waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah.

Wareegtadan ayaa waxaa lagu xusay in Saameen aysan ku yeelan doonin  Xafiisyada Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer Ilaaliyaha Guud  ee Qaranka.

Hoos Ka Aqriso Wareegtada:

WAREEGTO

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor