Wararka aan ka helayno Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxda Macawisley iyo Alshabaab ay ku dagaalamaneen degaanno ka tirsan Gobalkaas.
Mid ka mid ah kooxda Macawisleyda oo waraysi siiyay Radio Dalsan ayaa sheegay in ay dagaal ay la galeen Alshabaab ay guulo ka gaareen, waxaa uu sheegay in guddoomiye ku xigeenkii Xarardheere ee Al-shabaab ay ku dileen dagaalkaas, kaasoo sida ay sheegeen ku dhuumaalaysanyay degaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Kooxda macawisleyda aya intabadan waxaa ay la dagaalamaan Alshabaab, waxaana kooxdani inta badan yihiin dad xoola dhaqato ah oo si iskood ah isku abaabulay.
Halkaan ka dhagayso Codka