Baarlamaanka Puntland oo dood kulul ka yeeshay xeer muhiim ah

Xildhibaanada Maamul Goboleedka Puntland ayaa maanta yeeshay  Fadhiga 29-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada  Puntland, oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad  Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad  Ismaaciil Maxamed Warsame.

Ajandaha ayaa maanta ah Dib-u eegista Xeerka Isgaarsiinta Puntland, oo ay soo gudbiyeen Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Puntland ayaa loo qeybiyay Xeerka Isgaarsiinta  oo lagu soo saaray faafin rasmi ah Bishii Dec 25, 2007.

Xeerka Isgaarsiinta Puntland ayaa Golaha Wakiillada  ansixiyeen Dec 11, 2007, waxaana Guddiga joogta Golaha Wakiillada go’aan ku ogolaaday Dib-u eegistiisa Jan 01, 2020 sidaasna uu uga mid noqday Ajandaha Fadhiga 46-aad ee Golaha Wakiillada.

Fadhiga oo ay joogeen 40 Xildhibaan waxaa u codeyay Ogol 37 Xildhibaan, Diidmo ma jirin, Aamus 3 Mudane.

Dhinaca kalena, waxaa isla maanta si rasmi ah loo soo xiray kalfadhiga 46-aad ee Golaha Wakiillada dowlad Goboleedka Puntland kaas oo soo socday illa Nov 15, 2020.

Kalfadhiga 46-aad ee Golaha Wakiillada  ayaa noqday Kalfadhigii ugu horeeyay oo Puntland muddo 15 sanno ah si joogta 29 fadhi ay isugu yimaadaan Xildhibaannadda Golaha Wakiillada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media