Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta oo arbaco ah lagu qabtay Shirka Golaha amniga oo Todobaadkan looga hadlay arrimo kala duwan.
Shirka ayaa inta uu socday looga hadlay Xaaladdaha amniga guud ee dowlad Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa AMSIOM ka fuliyeen deegaanada Maamulkaas.
Shirkaan oo shir guddoomiyay Wasiirka amniga KGS Isaag Cali Subag ayaa qodoba looga hadlay waxaa ku jiray u diyaar garoowa howlgalo lagu furayo waddooyinka ay xireen Al-shabaab, kuwaasi oo ku yaalla deegaanada Maamulka.
Saraakiil ka socotay dowladda Ingariiska, Taliska AMSIOM, Taliyaha Ciidanka Xoogga qeybta 60-aad iyo laamaha kala duwan ee amniga Koonfur Galbeed ayaa ka qeyb qeyb galay shirkaas oo ka dhacay Magaalada Baydhabo.
Ugu dambeyn Wasiir Isaag Cali Subag ayaa Saraakiisha AMISOM ka dalbaday inay ka qeyb qaatan howlgalka waddo fulista ah ee laga fulinayo deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya, haalkaas oo ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha Al-shabaab.