Waxaa soo dhamaaday Muddadii 10-ka cisho aheyd ee la filayay in Madaxda dowlad Goboleedyada dalka kusoo magacaaban xubnaha ku metelaya Guddiga Doorashada Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka.
Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada ayaa ku heshiiyay in labada Guddi la soo magacaabo laga bilaabo 10 illaa 20 bishaan Octoober, hayeeshee muddadaas ayaa ku ekeyd shalay, mana jiro weli Maamul Guddi soo magacaabay.
Qoraal saddex maalin kahor kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa Maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Hirshabelle iyo Galmudug looga codsaday inay soo gudbiyaan xubnaha uga mid noqonaya labada Guddi doorasho iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka.
Warar la helayo ayaa in saddex maamul Goboleed ay soo gudbiyeen xubnaha u metelaya Guddiyadaas, kuwaasi oo kala ah Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, in kastoo aan lagu dhawaaqin Magacyada xubnaha.
Sidoo kale Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa diyaariyay xubnaha maamulkiisa ku metelaya Guddiga Doorashada iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka, waxaana Puntland iyo Hirshabeelle la filayaa in saacadaha soo socda soo gudbiyanx xubnahooda.
Dib u dhaca ku yimid xilliga lagu soo magacaabi lahaa Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed wuxuu tusaale u yahay in jadwalka doorashada inuu sidaas si la mid ah uu dib u dhac ugu imaan karo, iyadoo bisha November ee soo socota loo asteeyay in qorshaha doorashada in la guda galo, 27 bisha December ay diyaar noqdaan Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senetarada Aqalka Sare.