Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulkaas ku yeeshay mid kamid ah kulamadoodii caadiga ahaa.
Kulanka ayaa waxaa shir Guddoomiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal, waxaana Ajendihisu ahaa ansixinta Hindise Sharciyeedka dhismaha Ciidamada Booliiska Galmudug oo ay soo gudbisay Wasaaradda amniga maamulkaas.
Xildhibaanada Galmudug ayaa dood dheer kadib ansixiyay Hindise Sharciyeedka dhismaha Ciidamada Booliiska Maamulka, waxaana kulankaas goobjoog ka ahaa inta badan Xildhibaanada iyo Wasiir Axmed Macalin Fiqi.
Wasiir Fiqi ayaa Guddoomiyaha, Guddiga Amniga iyo Xuduudaha iyo Xildhibaanada Barlamaanka Galmudug uga mahadceliyay sida aqlabiyada leh ay u ansixiyeen sharciga oo wasaaraddiisu Baarlmaanka u gudbisay 13-kii bishaan Oktoober 2020.
“In la helo sharciga Booliska Galmudug oo ay wasaaraddu Barlmaanka u gudbisay 13 Oktoobar 2020, Waa guul u soo hoyatay reer Galmudug waana bilowga dhisamaha ciidamada Amniga Galmudug oo ku dhisma qaab sharci ah. Waxay sidoo kale wasaaraddu u mahadcelinaysaa xeeldheerayaashii ka soo shaqeeyey sharcigan iyo madaxweynaha Galmudug oo kaalin muuqata ka qaatay” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Wasaaradda amniga Galmudug.