Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal Culus oo ka dhacay Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, kaasi oo u dhexeeyay Ciidanka Milateriga dowladda Soomaaliya iyo Ciidamo taabacsan Guddoomiyihii degmadaas ee xilka qaadista lagu sameeyay.
Dagaalkan oo socday muddo saacado ah ayaa lagu soo waramayaa inuu ka yimid kadib markii Guddoomiye Ibraahin Maxamed Nuur Shik-shigoow uu diiday inuu wareejiyo xilka Diinsoor, hayeeshee markii dambe ay weerar ku qaadeen Ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalkan la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana markii dambe dagaal degmada looga saaray Guddoomiyihii Diinsoor ee xilka qaadista lagu sameeyay iyo Ciidamadii taabacsanaa.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka, waxaana ku geeriyooday 7 ruux oo laba kamid ah ay ahaayeen Askar, halka 5 qof kalena ay dhaawacmeen, waxaana dadka dhaawacmay la geeyay Xarumo Caafimaad.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ibraahin Maxamed Nuur Shik-shigoow iyo Ciidankii uu watay haatan ay ku sugan yihiin duleedka Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.
Dhinaca kale Degmada Diinsoor ayaa Maanta waxaa gaaray Guddoomiyaha Cusub degamadaas, iyadoona siweyn loogu soo dhaweeyay gudaha.
Si kastaba dhawaan ayay aheyd markii Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed uu Maamul Cusub u magacaabay Diinsoor, isla markaana xilkii laga qaaday Guddoomiyihii Degmada iyo ku-xigeenadiisa amniga iyo siyaasadda iyo Arimaha Bulshada ee degmadaas.