Maxkamadda darajada koowaad ee Gobolka Nugaal ayaa markale Maanta u fariisatay dhageysiga kiiska 7 Nin oo loo heysto inay Magaalada Garoowe fal isugu jiray kusfi iyo dil ugu geysteen Hodan Axmed Maxamuud Shanleyste oo aheyd Haweeney Xaamilo ah.
Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw Cismaan ayaa Maanta fadhiga Maxkamada ka sheegay in Kiiska Marxuumad Hodan Shanleyste dib loo dhigay muddo 4 maalmood ah, kadib markii uu Codsi ka yimid Ehelada Hodan.
Sidoo kale Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa waxaa uu sheegay in sababta ay ehelada u Codsadeen in dib loo dhigo Kiiska Hodan Shanleyste ay tahay in aabaha dhalay Marxuumada uu maqan ayna doonayan in 4 maalmood dib loo dhigo.
Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Gobolka Nugaal ayaa ku dhawaaqay Go’aanka Maxkamadda, wuxuuna sheegay in kiiska Hodan Shanleyste markii saddexaad uu dib u furmi doono 26-ka bishaan February 2020.
Hodan Axmed Maxamuud Shanleyste oo ahayd Haweeney Xaamilo ah ayaa 11-kii April sanadkii hore 2019 waxaa fal isugu jiray kusfi iyo dil loogu geystay Magaalada Garoowe, waxaana Kiiskaas lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen 7 Nin.