Ku-simaha Madaxweynaha Maamulka Puntland, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxa UNOCHA ee Puntland Thomas Nyambane iyo Wefti uu hoggaaminayo.
Kulanka ayaa intii socday waxaa looga hadlay Arrimaha bini’aadantinimo oo ay ugu horeyso xaaladda ka dhalatay duufaantii saacadihii lasoo dhaafay ku dhufatay xeebaha Gobolo ka tirsan Puntland iyo sidii ay UNOCHA.
Axmed Karaash Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa Madaxa UNOCHA kala hadlay sidii hay’addaha kale ay wadashaqeyn ula yeelan lahaayeen guddigii Puntland u magacaawday xaaladda ka dhalatay duufaanta GATI.
7 qof oo Yemeniyiin ah ayaa ku geeriyooday duufaanta ku dhufatay degmada xaafuun ee Gobolka karkaar ee Puntland, badana ay la tegtay 6 doomo oo badda ku xirnaa, waxaana duufaanta ku burburay guryo dhowr ah oo ku yaallay halkaas, iyadoona ay weli go’an tahay Isgaarsiintii Gobolada karkaar iyo Gardafuu.
Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay in Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari in ka badan 24-saac oo xiriir ah uu ka da’ayo roobab xoogan oo biyo badan dhigay Magaalada, uuna hakad ku jiro isku socodka gaadiidka.