Maamulka Obama oo walaac xooggan ka muujiyey Go’aanka ay Dowladda Kenya ku xirayaan Xerooyinka Dhadhaab iyo Kakuma.

Maamulka Madaxweyne Barack Obama ayaa ku biiray QM iyo Hay’addaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ee ugu baaqayDowladda Kenya  inay ka laabato Go’aankii isbuucii hore lagu shaaciyey inay Xerooyinka Qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma ku xiri doonaan waqtiga ugu yar ee ay awoodaan.

Agaasimaha Xiriirka Warfaafinta ee Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Elizabeth Trudeau ayaa ugu baaqday Dowladda Kenya inay dhowraan Waajibaadka Caalamiga ee saaran, isla markaana aysan Qaxootiga si khasab ah ku celinin.

Hadal qoraal oo ay E-mail ugu soo dirtay Wargeyska The Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayey ku sheegtay in sidoo kale ay Dowladda Kenya ugu baaqayaan inay sii wadaan Iskaashiga ay la leeyihiin QM iyo Dowladda Somalia si loo taabageliyo Heshiiskii 2013-kii ee Qaxootiga iskooda ugu laabanayo Somalia.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor