Wasaaradda Qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta wadatashi ku aadan geedi_socodka Qorashaha horuarminta Qaranka Sagaalaad la yeelatay Gudiga Miisaniyada,Maaliyadda iyo Qorsheynta ee Golaha Shacabka JfS.
Ujeedada Wadatashiga ayaa ahaa sidii loo xoojin lahaa diyaaringta geedi socodka Qorshaha Horumarinta Qaranka Sagaalaad ee uu wadatashi lagala yeelanayo dhamaan umadda Soomaaliyeed iyadoo maanta gudiga ay soo bandhigeen talooyin xoojinayo diyaarinta qorshahaha. Waxaana kulanka goobjoog ka ahaa xubnaha gudiga, Wasiirka Qorsheynta Amp Gamaal Maxamed Xasan iyo Howladeenada Wasaaaaradda.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Asad Yusuf Qanyare ayaa sheegay in maalmahan uu socday Wadatashiga Qorsaha Harumarinta Qaranka Sagaalaad si uu noqday mid ay leeyahiin umadda soomaaliyeed talooyinkooda ka muuqdo.
Gudoomiyaha Gudiga Miisaaniyada,Maaliyadda iyo Qorsheynta Golaha Shacabka JFS Mudane Maxamuud Cabdullaahi Siraaji ayaa bogaadiyay shaqada Wasaradda qorsheynta ee diyaarinta geedi socodka Qorshaha horumarinta Qaranka isla amrkaana tilmaamo ka baxiyay ahmiyada qorshaha sidoo kale sheegay in isku tahsi looga baahan yahay dadka Soomaliyeed.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta ayaa tilmaantay in Qorshaha horumarinta Qaranka sagaalad uu ahmiyadd wayn siinayo yarenta Saboolnimada, kobcinta dhaqaalaha iyo geedi socodka deyn cafiska Soomaaliya.
Xildhibaanada Gudiga iyo Madaxa Wasaaradda Ayaa is dhaafsaday aragti iyo talooyin la xariira hanaanka diyaarinta Qorshaha HoruarintaQaranka Sagaalaad,qorshaha dib u kabashada Abaaraha ee RRF iyo bogaadin guud oo gudiga u soo jeediyeen Wasaaradda Shaqada adag ee dalka u hayso.