Khasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay Bartamaha Istambul oo sii kordhay

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay 53 kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay goob mashquul badan oo ku taalla bartamaha magaalada Istanbul, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalka Turkiga.

Qaraxa ayaa ka dhacay waddo laga dukaameysto oo ku taal fagaaraha Taksim, sida uu sheegay barasaabka magaalada Cali Yerlikaya.

Ma cadda waxa sababay qaraxan ay dadka ku dhinteen. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dambiilayaasha la ciqaabi doono.

 

About Webmaster

View all posts by Webmaster