Xukuumadda Somalia oo ka hadashay Go’aankii looga hor yimid Sharciga Batroolka

Cabdirashiid Maxamed Axmed oo ah Wasiirka Wasaaradda Batroolka Xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa ka hadlay Go’aankii qaar kamid ah dowlad Goboleedyada dalka ka jira ay uga hor yimideen sharciga Batroolka.

Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu sheegay in sharciga Batroolka oo dhawaan ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Maamulada qaar ay lahaayeen arrimo u gooni ah,isla markaana taasi aan laga aqbali doonin.

Sidoo kale Wasiir Cabdirashiid ayaa sheegay in sharciga Batroolka la tashi kala sameeyeen maamul Goboleedka dalka,hayeeshee ay jiran dad dano gaar ah ka leh oo diidan ansixinta Sharciga.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu ka hadlay faa’iidooyinka badan uu dalka u leeyahay sharciga Batroolka,isagoona shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in dowladda ay ku taageeraan qorshaha dalka lagu gaarsiinayo in laga soo saaro Shidaal iyo macdan.

Maamulada Jubbaland,Galmudug iyo Puntland ayaa ka hor yimid ansixinta Sharciga Batroolka dalka ,isla markaana ku sheegay sababata ay u diideen in aan laga tala gelin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media