Saraakiisha Militeriga Kenya ayaa sheegay inay Dagaalamayaasha Kenyanka ku sugan Dhulka Kaymaha Booni ay bilaabeen inay ka soo baxsadaan Somalia, kadib, markii ay Maraykanka kordhiyeen Duqeymaha ay la eegtaan Dagaalamayaasha Alshabaab.
Agaasimaha Hawlgalka Kenya ka wadaan Kaymaha Booni, JOSEPH KANYIRI oo Wareysi siiyey wargeyska NATION ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa sheegay in qaar ka mid ah Dagaalamayaasha JAYSH AYMAN ee ka tirsan Alshabaab bilaabeen inay ka soo firxadaan gudaha Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu intaasi ku daray in Kooxo isku dhaf ah oo ka tirsan Hay’addaha Ammaanka adkeeyeen Ammaanka Xuduudka Kenya la leedahay Somalia, si ay ula macaamilaan Dagaaalamayaasha Kenyanka ee ka firxanaya Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale, in ka badan 300 oo Dagaalamayaal u badan Kenyan kana tirsan Kooxda Jaysh Ayman ee Alshabaab ayaa la sheegay inay ka hawl-geli jireen Kaymaha Boni tan iyo sannadkii 2012-kii, kuwaasi oo weeraro toos ah, kuwa dhabo-galka iyo qaraxyo la beegsada Ciiddanka Kenyanka ee inta badan adeegsada dhulka xuduudka.