Taliyaha Ciiddanka Kenya, Jeneral Samson Mwathethe aya ka dhawaajiyey inay Milliteriga Kenya sii wadi doonaan Taageeradda ay siiyan Ciiddanka Boliska Qaranka iyo Hay’adaha Ammaanka Qaranka ee ku hawlan ilaalinta Sharciga iyo Amarka.
Waxa kale oo uu tilmaamay in Talis Cusub oo Ciiddanka laga hirgelinayo Xuduudka, si ay door muhiim uga qaataan sugidda Ammaanka ee Xuduudka Kenya la wadaagto Somalia.
Taliyaha Ciiddanka Kenya waxa kale oo uu xusay in Ciiddan dheeraad ah loo daad-gureyn doono si ay u sugaan ammaanka Xuduudka, laga bilaabo magaalladda Mandera ilaa Laamu.
Sidoo kale, waxa uu xusay in Ciiddan Wareegga iyo Baro Kontorool lagu xoojin doono si ay uga hor tagaan inaysan Dagaalamayaasha Alshabaab iyo kuwa Daacish soo gelin gudaha Kenya, waa sida uu hadalka u yiri.
Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa qoray in Samaynta Taliska Ciiddanka ee Xuduudka Kenya soo dedejisay, kadib, markii ay Ciiddanka Kenya heleen Warar dhinaca Sirdoonka oo sheegaya inay Xarakadda Alshabaab kordhiyeen Dhaqdhaqaaqa ay ka wadaan Xuduudka Kenya iyo Somalia tan iyo bishii la soo dhaafay ee September.
Warar ayaa waxay sheegayaan in Dagaalyahanno Alshabaab oo aad u hubeysan fariisimo ku leeyihiin Tuullooyinka ku yaalla Xuduudka Labada Waddan, kuwaasi oo ay Ciiddanka Kenya ka baqanayaan inay Hawlgalo ka fuliyaan gudaha Kenya.
©Radio Dalsan