Wargeyska Daily Nation ayaa qoray inay Dagaalyahano ka tirsan Xarakadda Alshabaab xalay weerar culus ku asqeysiiyeen Hoyga uu deggan yahay Guddoomiyaha Mandera, Ali Roobo.
Dagaalamayaasha Alshabaab iyo Ciiddan Bolis oo ilaalo ka hayey Gurigaas ayaa la sheegay inay isweydaarsadeen rasaas xooggan, iyadoo Dhawaaqa Rasaasta iyo Qaraxyo laga maqlayey nawaaxiga Guriga Guddoomiyaha Mandera.
Faahfaahin dheeraad ah lagama hayo Khasaaraha ka dhashay Weerarkaasi, balse waxaa la xaqiijiyey in Nin ilaalo ka ahaa Dugsi Hoose oo ku yaalla agagaarka halka lagu dagaalamay uu geeriyooday, kadib, markii ay ku dhaceen Xabbado wiifto ah.
Ma aha markii ugu horreysay oo ay Xarakadda Alshabaab hawlgalo ka fuliyaan gudaha Kenya, gaar ahaan Goballadda W/bari ee dalkaasi.
©Radio Dalsan