Kenya: Baaris lagu bilaabay Ciidamo loo heysto Shil Khasaaro geystay

Taliyaha booliiska Kenya Joseph Boinnet ayaa sheegay in qaar ka mid ah booliiska baaritaan lagu samayn doono iyaga oo loo hayso shilkii baska ee Arbacadii dhacay oo ay ku dhinteen 56 ruux, sida uu ku soo warramayo weriyaha BBC-da Ferdinand Omondi.

Mulkiilihii shirkadda baska leh ayaa la xiray ayuuna intaas ku daray.

Taliye Boinnet oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegay in basku uu ruqsad u haystay in uu qaado 62 rakaab, balse uu qaaday 71 ruux. Sidoo kalana uusan haysanin ruqsad uu habeenkii ku safro.

Waxaa lasamayn doonaa baaritaan ku aadan in booliisku ay si ula kac ah isaga indho tireen shuruucda la baal maray.

Baska oo u kala safrayay Nairobi iyo Kisumu ayaa waddada ka baxay sida uu booliisku sheegay.
Dadka ayaa buux dhaafiyay, xawaare aad u sarreeyana waa lagu waday, sida uu warbaahinta gudaha u sheegay qof ka mid ah dadkii badbaaday.

XIGASHO BBCSOMALIA

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor