Dhageyso:-Maamulka Gobolka Banaadir oo dib u furay Garoomo ay xireen Al-Shabaab

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Banaadir ayaa dhowr bilood kadib waxa ay ku guuleysteen inay dib u furaan Garoomo Kubada cagta ah kuwaas oo ay horay u xireen Al-Shabaab.

Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa kormeer waxa uu tagay Garoon Dhalinyaradda Degmada Yaaqshiid Kubadda Cagta ku ciyaari jireen balse ay xireen Al Shabaab kadib markii ay u soo hanjabeen.

Gudoomiye Tuulax ayaana Garoonkaas dib ugu furay dhalinyaradda waxaana uu Ciidanka Amaanka kula dardaarmay inay sugaan Amniga Guud ahaan Degmadda iyo Garoomadda ay dhalinyaraddu ku xiyaaraan.

Hoos ka Dhageyso Codka guddoomiye Tuulaax.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor