Keligii Taliyihii hore ee dalka Bangaladesh oo geeriyooday

Jeneral Xuseen Maxamed Irshaad oo Talada dalakasi Afgembi Milliteri ku qabsaday sannadkii 1982-kii ayaa la sheegay inuu maanta geeiyooday  isagoo 89-jir ah.

Jeneral Irshad oo talada hayey dalkaasi sannadihii 1982-kii ilaa 1990-kii waxaa la sheegay inuu ku geeriyooday Isbitaalka Milliteriga oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Dhaka.

Walaalkiisa ayaa xaqiijiyey inuu Jeneral Irshaad u geeriyooday xanuun muddo dheer ka hayey Kelyahai yo sambabadda, iyadoo Isbitaalka la dhigay bishi ihore ee June 26-da, laguna xiray qalabka Bukaanka ka taageera nolosha ee (Life Support)-ga.

 

Marxuumka waxa uu ahaa Hoggaamiyaha Mucaaradka ee Barlamaanka dalkaasi,waxaana Xilka Xildhibaanka loo doortay Doorashooyinkii dhacay sannadihii 2000, 2014-kii iyo 2018-kii.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media