Ku-Simaha Madaxweynaha Dowlad Goboledka Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaasi Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa qaabilay qoyskii alle ha u naxariistee Ra’iisal wasaarihii hore Cali Khaliif Galayr.
Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash ayaa qoyska la wadaagay dhambaal tacsiya, isagoo illaahay uga baryay inuu marxuumka janadii geeyo iyagana samir iyo iimaan alle kasiiyo.
“Waxaan kulan laqaatay qoyskii alle ha u naxariistee Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galaydh oo aan uga tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash.