Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo kormeer ku tagay Xarun wasaaradeed

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo maalmahan ku sugan magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa kormeer ku tagay maanta xarunta wasaaradda waxbarashada ee Gobalkaasi.

Cali Ciid ayaa kulan la qaatay wasiiru- dowlaha wasaaradda, Agaasimaha guud iyo shaqaalaha xarunta isagoona ka xog-waraystay hawl-maalmeedkooda shaqo.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale soo indha-indheeyay qeybaha kala duwan ee xarunta waxbarashada ee gobalka Mudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media