Wararka ay Dalsan ka heleyso Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidanka Ammaanka Gaar ahaan kuwa Sirdoonka Jubbaland ay Gacanta ku dhigeen Askari ka tirsan Ciidamada Puntland kaas oo fal kufsi iyo dhaawac ka geystay Boosaaso.
Askarigaan oo Magaciisa lagu sheegay Cabduqaadir Warsame kana mid ah Ciidamada Badda Puntland ayaa waxa uu fal Kufsi iyo dhaawac ah isugu daray mid ka mid ah Gabdhaha ku noolaa Boosaaso oo 16 jir ah taasoo haatan lagu daweynayo Magaalada Muqdisho.
Ciidamada Sirdoonka Jubbaland ayaa Askarigaan sida dadka Kismaayo ay Dalsan u sheegeen ka soo qabteen Guriga Gudoomiyaha Magaalada Kismaayo oo ay Ehel yihiin kaas oo uu ku dhuumanayay.
Maanta ayaa qorshuhu yahay in lagu wareejiyo Ciidamada Sirdoonka Maamulka Puntland Askarigaan falka kufsiga iyo dhawaca geystay si halkaasi loogu Maxkamadeeyo.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafinayay Magaca iyo Sawirka Gabadha dhibaatada uu Askariga u geystay, taas oo keentay in dadaal badan lagu bixiyo sidii loo soo qaban lahaa Askariga dhibtaan geystay ugu dambeyna Kismaayo laga soo qabtay.