• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, July 17, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Caalamka

Joogitaanka Milliteriga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya oo lagu tilmaamay mid looga soo horjeedo Istiraatiijiyada Turkiga ee Soomaaliya (Warbixin)

Bilan Media by Bilan Media
October 11, 2017
in Caalamka, Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Wargeyska AL-SHARAQ ee ka soo baxa dalka Imaaraadka Carabta ayaa qoray Maqaal dheer oo uu ku qiimeynayo Hadafka Joogitaanka Ciiddankooda ee gudaha Somalia, Loolanka kala dhexeeya Ciiddanka Turkiga ee Saldhigga ku leh Somalia iyo Nidaamka ay Dowladda Imaaraadka danaheeda uga meel-mariyaan  Madaxda Somalia.

Wargeyska waxa uu Warbixintiisa Cinwaan uga dhigay Joogitaanka Milliteriga Imaaraadka Carabta ee Somalia:-  Jidkii Qabsashadda iyo Burburinta.

Waxa kale oo Cinwaan-hoosaad khad la mariyey looga dhigay Warbixinta:

  • Abu Dhabi oo Saldhig weyn oo Milliteri ka dhisatay Somaliland.
  • Abu Dhabi oo Gobalka Kismaayo ku hubeysay Gadaiidka Milliteriga iyo kuwa Gaashaaman.
  • Joogitaanka Ciiddanka Imaaraadka ee Somalia waxaa looga soo horjeedaa Joogitaanka Ciiddanka Turkiga ee Somalia.

Warbixinta waxaa lagu sheegay haddii Joogitaanka Somali ahaa Maal-gashi iyo Iskaashiga Samafalka Aadmino, waxay Milliteriga Imaaraadka u arkaan Joogitaankooda Somalia mid lagu ilaalin karo Danaha Qarankooda iyo doorka ay ku leeyihiin Mandiqadad Geeska Afrika.

Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey in gudaha Somalia inay Imaaradda Abu Dhabi ku leedahay Qalab Milliteri oo Culus, oo ay ka mid yihiin  Taangiyo, Diyaaradaha Dagaalka, Helikoptaro iyo kuwa aan Duuliyaha Lahayn ee Drones-ka.

Bishii March ee la soo dhaafay, waxay Imaaradda Abu Dhabi heshiis la saxiixdeen Maamulka Somaliland, si ay Saldhig Milliteri uga dhigtaan Dekedda magaalladda Berbera.

Waxaa kaloo la rajeynayaa in bilaha soo socda inay Milliteriga Imaaraadka isku faafiyaan xuduudaha kale ee Somalia.

Wargeyska Al-sharaq waxa kale oo uu bidhaamiyey Hadafka Joogitaanka Milliteriga Imaaraadka ee gudaha Soamlia, wuxuuna tilmaamay inay tahay sidii uu uga mid noqon lahaa Ciiddamadda Marayaknka iyo Masar ee Ilaaladda ka haya Gacanka CaBaabul-mandab, in la sugo Ammaanka dalka Yemen iyo inay la socdaan Dhaqdhaqaaqyadda Gacanka HORMUS.

Warbixinta waxaa lagu muujiyey inay Imaaraadka Carabta ka go’an tahay Istaraatijiyadda ay ku kireysanayaan, ku iibsanayaan ama ku maamulayaan Dekedaha kala duwan ee ku yaalla Somalia, si ay dano Dhaqaale iyo mid Milliteri ugu ilaashadaan Danahooda, sida dhismaha haatan ku socda Dekedda Berbera ee W/Galbeed ee Somalia.

Wargeyska Al-Sharaq waxa uu tilmaamay inay sannadihii 1980-aadkii ay Dowladdii Somalia siiyeen 12 Helikoptarada lagu farsameeyey dalak Britain, waxayna Imaaraadka sannadkii 2014-kii Somalia la saxiixdeen Heshiis Is-faham Milliteri, oo lagu tababatayo Ilaaladda Madaxtooyadda Somalia.

Dhinaca kale, Warbixinta waxaa lagu faahfaahiyey Loolanka Imaaraadka ee Joogitaanka Milliteriga Turkish-ka ee gudaha Somalia, wuxuuna Wargeysku qoray inay jiraan warar sheegayo inay Madaxda Imaaraadda Abu Dhabi laaluush aad u badan siiyeen Siyaasiyiinta, Odayaasha Dhaqanka ee Somaliland si ay u meel-mariyaan Heshiiskii Imaaraadka kula wareegeen Maamulka Dekedda Berbera.

Warbixinta waxaa si cad loogu muujiyey inay Imaaraadka si xoogan uga soo horjeedaan Joogitaanka sii kordhayso ee Milliteriga Turkiga ee gudaha Somalia, taasi oo ay u arkaan mid khatar ku ah qorshaha Ciiddanka Badda ee Imaaraadka ku xoojinayaan Kontoroolka Gacan-biyoodka Baab Al-mandab.

 

Previous Post

DEG DEG: Haweeney Goordhow lagu dilay deegaanka Xawaadley

Next Post

Akhriso:-Shirkii Madaxda dowlad goboleedyada oo Warmurtiyeed laga soo saaray

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed
Warar

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

July 17, 2025
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah
Warar

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

July 17, 2025
Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.
Warar

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

July 17, 2025
Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.
Warar

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

July 17, 2025
Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo
Warar

Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo

July 17, 2025
Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa’il
Caalamka

Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa’il

July 17, 2025
Next Post

Akhriso:-Shirkii Madaxda dowlad goboleedyada oo Warmurtiyeed laga soo saaray

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Bilan Media, oo ah xarunta warbaahineed ee kaliya ee haween u gaar ah ee Soomaaliya laga leeyahay, ayaa ku dhawaaqday...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, iyadoo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Kulanka...

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Dagaal culus ayaa saaka dib uga qarxay deegaanka Meersiis oo ka tirsan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kadib markii beelo...

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Siciid Maxamed Maxamuud-Xayd, ayaa hoggaaminaya wafdi ka socda dowladda...

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed
Warar

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah
Warar

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.
Warar

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.
Warar

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo
Warar

Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa’il
Caalamka

Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa'il

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed
  • Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah
  • Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.
  • Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00