Guudlaawe oo Guddi baaris u magacaabay dilka Taliyihii Saldhiga Booliska Baladweyne

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa xalay Magacaabay Guddi baaris ku sameeya dilka Taliyihii Saldhiga Booliska Magaalada Beledweyne Marxuum Maxamed Xueen Maxamuud( Duurdege).

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa lagu magacaabay Guddiga baarista kusoo sameeyn doona dilka Taliyihii Saldhiga Baladweyne oo ku dhintay dagaal dhexmaray Ciidanka Haramcad iyo kuwa Booliska Hirshabeelle.

Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Guudlaawe ayaa ka kooban 7-xubnood, waxaana Guddoomiye looga dhigay ku-xigeenka Xeer ilaaliyada guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee qeybta 27-aad Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir iyo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga oo laga dhigay Taliyaha Booliska Hirshabeelle Xasan Dhicisow Xasan.

Xubnaha kale ee Guddigaan ayaa waxaa kamid ah:

Isaaq Cali Cabdulle, Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Hiiraan

Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay, Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga

Colaad Cabdullaahi Dalabey, Taliyaha Nabadsugida Gobolka Hiiraan

Muuse Salaad Wehliye

Xuseen Axmed Maxamed

Taliyihii Saldhiga Booliska Magaalada Beledweyne Lxle Maxamed Xuseen Maxamuud (Duurdage) ayaa ku dhintay dagaal shalay subax Ciidamo ka tirsan Booliska sida gaarka u tababaran iyo kuwa Booliska Maamulka ku dhexmaray Saldhhiga Booliska Magaaladaas

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor