Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Jarmalka, Heyko Maas ayaa sheegay inaysan qeyb ka noqon doonin Hawlgalka Ciiddanka Badda ee Maraykanka hoggaaminayo ee loo dirayo Gacanka Hormuz.
Wasiirka oo haatan booqasho ku jooga dalka Poland waxa uu Suxufiyiinta u sheegay inaysan ka qeyb gali doonin Hawlgalkaasi oo uu Maraykanka soo bandhigay, wuxuuna xusay inay Xaalladda Gacanka Hormuz tahay mid kacsan oo ay isku hayaan dalalka Iiraan iyo Maraykanka.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Jarmalka oo ka tirsan Xisbiga Social Democratic waxa uu sheegay inay rumeysan yihiin inay qalad tahay Istaraatijiyadda cadaadiska leh ee Maraykanka ee ka dhanka ah Iiraan.
Xiriirka Maraykanka iyo Jarmalka waxa uuxumadaay markii uu Madaxweyne Donald Trump qabtay Talada dalkaasi