Cadadkii maanta ee Wargeyaka Al-Dastuur ee ka soo baxa magaalladda Qaahira ayaa qoray in 6 Arday Soomaali Deeq Waxbarasho laga siinayo Jaamacadda BANHA ee dalkaasi.
Hormuudka Jaamacadda Banha University, Dr. Yuusuf Al-qaadi ayaa sheegay inay Jaamacadiisa go’aansatay inay 5 Arday oo ka socota Jaamacadda Dowladda Somalia inay siiyaan Deeq Waxbarasho (MINXO) ee Marxalladda Daraasadda Sare ( The Postgraduate stage).
War-saxaafadeed uu Hormuudka Jaamacadda Banha University, Dr. Yuusuf Al-qaadi oo shalay soo saaray ayuu ku  sheegay in Go’aanka Jaamacadiisa lagu saleeyey Jadwalka shaqo ee  Xiriirka Taariikhiga ee u dhexeeya Somalia iyo Masar iyo Xushmadda ay Jaamacadda Banha University u hayso Shacabka Soomaaliyeed oo marar badan is-garab taagtay goobo badan oo Taariikhi ah.