Weli caqabad ayaa ka taagan isticmaalka lacagta Shilinka Soomaaliga ee Gudaha Magaalada Baladweyne waxaana dadaal ugu jira sidii Bulshada ay u isticmaali lahaayeen lacagtaas Maamulka Gobolka Hiiraan.
Gudoomiyaha dhanka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo si gaar ah ula hadlay Dalsan ayaa sheegay in kadib kulan ay la qaateen Bulshada iyo Ganacsatada la isku raacay in Maantaba la bilaabyo isticmaalka lacagta.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in marnaba Mamulku uusan qbaleyn in la diido lacagta Shlinka Soomaaliga.
Gaba gabadii ayaa waxa uu sheegay in aan la aqbaleyn in Dollar la qaato lacagta shilinkeena Soomaaliga ahna la diiday dhamaana ay waajib ku tahay dadka ku nool Gobolka Hiiraan.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha.