Jugta qarax xoogan oo goordhow laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay Degmada Waaberi ee Gobolka.
Qarax ayaa waxa la sheegay in uu ka dhacay agagaarka Suuqa Beerta waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.
Saraakiisha amaanka qaarkood ayaa sheegay inuu ahaa Qarax gaarigiisa loogu xiray qof wata gaari Saaruf ah, halka kuwa kale sheegeen inuu ahaa Qarax dhulka la geliyay oo haleelay gaarigaas.
Hal qof oo gaariga saarnaa ayaa ku dhaawacmay waxaana goobta gaaray ciidanka amaanka kuwaas oo billaabay kala cayrinta dadweyne kusoo baxay goobta qaraxu ka dhacay.