Jaalliyadda Soomaalida ee Dalka Norway Oo Is-Barbar Taagtay Wiil Somali Oo Soomaalinimadiisa shaki la gelinayo.

Soomaalida ku nool dalka Norway ayaa buux dhaafiyey Maxkamad la soo taagay Wiil Somali oo lagu magacaabo Mahad Abiib Maxamed , halkaasi oo shaki la gelinayo Dhalashadiisa Soomaalinimadda.

Qaar ka mid ah Jaalliyadda ayaa codkooda taageeradda u muujiyey Mahad Abiib oo ay weli dacwadiisa socoto, waxayna Jaalliyaddu diidan yihiin in Mahad Abiib la masaafuriyo.

Bishii hore, Telefishinka TV2 ayaa sheegay in Mahad Abib oo 30-jir ah uu Norway ku noolaa 17-sanno, isagoo haatan ka shaqeeya Isbitaalka Ullevål Hospital oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Oslo.

Hay’adda Socdaalka Norway ee Utlendingsdirektoratet – UDI  (The Norwegian Directorate of Immigration) ayaa ku doodayo inuu Mahad Abiib Maxamed ka soo jeedin Somalia, waa sida ay ku andacoonayaan, balse Mahad isagoo 14-jir ah ayey isaga iyo waalidkiisa waxay ka soo carareen Dagaalladii sokeeye ee ka socday Somalia.

Aabihiisa waxa uu kaa tirsanaa Ciiddanka Boliska Somalia, sida uu Dowladda Norway u xaqiijiyey Jeneral C/llaahi Gaafow Maxamed, mar uu booqasho ku tegay magaalladda Oslo bishii Marso ee sannadkii hore.

Halkan ka dhegeyso Codadka qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Norway:

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media