Ugu yaraan 40-qof oo ku geeriyootay qaraxyo mataano ah oo ka dhacay magaalladda Xomas ee dalka Syria.

Telefishinka Dowladda Syria ee  Ikhbaariyah ayaa sheegay in weeraro Is-qarxin ah saakayto lala beegsaday Dhismo ay Ciiddanka Ammaanka ku leeyihiin magaalladda Xomas.

Wakaalladda Wararka Raashiya ee RIA NOVOSTI ayaa sheegtay inay 6 Is-qarxiyayaal isku qarxiyeen Xarunta Dhexe ee Hay’adda Ammaanka iyo Dhismaha Sirdoonka Milliteriga.

Guddoomiyaha Gobalka Xomas, Talaal Barzani ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka AP inay dhaceen 3 Qarax, kuna geeriyoodeen in ka badan 20-qof, kuna dhaawacmeen tobaneeyo kale.

Magaalladda Xomas oo ah magaalladda 3-aad ee ugu weyn dalka Syria waxaa si buuxda u maamulayey Ciiddanka Dowladda tan iyo bishii May ee sannadkii 2014-kii, kadib, markii ay Maleeshiyadda kaga baxeen Heshiis ay QM garwadeen ka ahayd.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media