Taliska ciidamada milateriga ee dalka Kenya ayaa amar ku bixiyay in isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ee ku yaalla Gobolka Waqooyi-bari iyo gobolka xeebta ee dalkaas aysan daaweynin dadka qaba dhaawacyada rasaasta.
Saraakiisha ayaa ka dalbaday masuuliyiinta isbitaallada iyo shacabkaba iney sida ugu dhaqsiyaha badan booliska ugu war geliyaan marka ay la kulmaan dad dhaawacyada noocaas ah ay ku yaallaan.
Maamul goboleedyada Garissa, Tana River iyo Lamu ayaa si weyn loogu boorriyay iney isha ku hayaan bukaannada tagaya isbitaallada.
Booliska ayaa ka shakisan in xubno ka tirsan al-Shabaab oo ay dhaawacyo ka soo gaareen dagaallo dhex maray iyaga iyo ciidanka Kenya, oo ay ku dhuumaaleysanayaan deegaanka, ayna gargaar caafimaad u doonanayaan isbitaallada maxalliga ah.
Al-Shabaab ayaa weerarro abaabulan ka fulisa meelo ka mid ah gobolka, iyadoo ciidamada milatarigana ay wadaan howlgallo ka dhan ah oo lagu bartilmaameedsanayo fariisimahooda.
Si kastaba ma ahan markii ugu horreysay ee ay masuuliyiinta ciidanka Kenya codsadaan in lagu soo war galiyo dadka xarumaha caafimaadka u taga in lagu dabiibo.