Maleeshiyo ka tirsan Ururka Daalibaan oo watay gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qaraxa ayaa isku qarxiyo Xarun Bolis oo ku taalla Waqooyiga dalkaasi, ka hor inta uusan dagaal dhex marin Daalibaan iyo Ciiddanka Ammaanka.
Madaxa Caafimaadka Gobalka ee magaalladda Pul-e-khumri, Muxxubillaahi Xabiib ayaa sheegay inaan la ogeyn tirada dhimashadda, balse lagu dhawaacay ugu yaraan 40 qof.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Nasrat Raxiim waxa uu sheegay inay dhowr Dagaalamayaal Daalibaan u suurto-gashay inay gudaha u galay Dhismaha Xarumaha Guud ee Boliska.
Afhayeenka Ururka Daalibaan, Zabihullaahi Mujaahid waxa uu sheegay inay iyagu mas’uul ka yihiin weerarkaasi oo uu sheegay inuu weli socdo.
Bilowgii isbuucan, Ururka Daalibaan waxay ku gacan-sayreen Codsi ay Madaxweynaha Afganistan, Ashraf Qaani iyo Ergayga Khaaska ee Maraykanka ee Nabadda Afganistan, Zalmaay Khaliilzaad kaga dalbadeen Xababd-joojin.
Dhinaca kale, Tan iyo markii uu Madaxweynaha Afganistan xafiiska la wareegay bishii September ee sannadkii 2014-kii waxaa la dilay 45,000 oo ka tirsan Ciiddanka Ammaanka ee dalkiisa.