Iyadoo Maanta ay tahay Maalinta Koowaad ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo Dunida Muslimka si wada jir ah looga wada sooman yahay ayaa deegaano ka tirsan Gobolada Dalka Soomaaliya aan laga soomin.
Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay shaacisay in Maanta ay tahay 1-da Bisha Ramadaan,isla markaana Shacabka Soomaaliyeed looga baagan yahay inay soomaan.
Dhinaca kale maamulka Galmuduga ayaa Magaalada Dhuusamareeb uga dhawaaqay in Maanta ay tahay maalintii ugu dambeysan ee bisha shacbaan,iyadoona deegaanada Galmudug aan laga arag bilasha Bisha Ramadaan.
Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo warbaahinta la hadlay tilmaamay in aysan arkin Bisha Ramadaan,isla markaana aysan jirin sabab keeneysa in deegaanada Galmudug laga soomo,iyadoona Maanta berri Bisha Ramadaan ay kow u noqon doonto.
Sidoo kale deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Maanta laga soomin oo ay u tahay 30-da Bisha shacbaan.