Gudddomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Mudan Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa maanta kulan La qaatay Safiirka Dowladda ingiriiska u qaabilsan Soomalia Ben Fender.
Kulanka u dhexeeyay Guddoomiye Cumar Finish iyo Safiir Ben Fender ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin horumarada ka socda Caasimadda dalka ee Muqdisho, xoojinta wadashaqeynta Ingiriiska iyo Maamulka  iyo taagerada qebta Unuga xalinta khilaafadka Xasilinta iyo nabadenta.
Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay taageerayaan Maamulka Gobolka, isla markaana muhiimad ah ay siinayaan Mashruucan nabadeenta Bulshada kunool Magaalada Muqdisho.
Dowlada ingiriiska iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa si wada jir ah uga shaqeeyn doono fulinta mashruucaan si loo helo xal waara, waxaana Safiirka uu balan qaaday in Maamulka uu dhinacyo kala duwan ka taageeri doono.