Dowladda oo u yeertay Guddoomiyeyaashii ay u Magacaawday Gobolka Gedo

Warar ay heshay Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay u yeertay dhammaan Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Gedo ay u magcaawday.

Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka ee Dowladda ayaa saacadihii lasoo dhaafay isugu tegay Degmada Doolow, iyagoona halkaas Maanta kasoo ambabixi doona, waxaana ay kusoo wajahan yihiin Magaalada Muqdisho.

Dowladda Federaalka ayaa bilowday dadaalada xal u helida xiisada maamul ee ka jirtay Gobolka  Gedo, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo ku dhow kulankii habeen hore dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Wararka ayaa intaas kusii daraya inay bilowdeen howlaha farsamo ee lagu doonayo in xal looga gaaro arrinta Gedo oo ay mabda’a ahaan isla qaateen Dowladda Federaalka iyo Jubbaland, waxaana la qorsheynaya in shir dib u heshiisiin loo qabto labada dhinac ee isku hayay maamulkaas, kaddibna la magacaabo Guddi ka shaqeynaya dib u dhiska Maamulka.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa kal horey Dowladda Federaalka ka dalbaday in Gobolka Gedo laga saaro Ciidanka Dowladda ay halkaas ku daadgureysay, isla markaana Maamulkiisa dib loogu soo celiyo gacanta Gobolkaas, xalna laga gaaro khilaafyada jira ee ka dhashay xaaladii siyaasadeed ee u dhexeeysay DFS iyo Jubbaland.

Si kastaba Ciidanka Dowladda Federaalka ee la geeyay Gobolka Gedo iyo kuwa Maamulka Jubbaland ayaa waxaa uu dagaal xoogan uu dhexmaray Degmada Balad-xaawo, waxaana dagaalka ka dhashay Khasaaro  isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, iyadoona arrintaas ay qeylo dhaan ka muujiyeen siyaasiin iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media