Wasaaradda Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalka Masar waxay qabanqaabinaysaa Kulan Hawleed (workshop) oo ay Midowga Rugaha Ganacsiga ee dalkaasi, uga hadli doono Maalgashiga, Adeegga Bangiyadda iyo Is-dhaafsiga Ganacsiga ee dalalka Masar iyo Somalia.
Shabakadda Wararka Masar ee Elbaladnews ayaa qortay inuu kulankaasi berrito oo Isniin ah ka furmi doono magaalladda Qaahira, isla markaana ay Ergooyinka ka qeyb galayo isla eegi doonaan qabaka loo xoojin karo qeybaha kala duwan ee Ganacsiga Somalia.
Qabsoomida Kulankaasi ayaa la sheegay inay ka dambaysay Natiijadii ka soo baxday Socdaalkii uu Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda Masar ugu qaabilsan Arrimaha Afrika, Al-sayid Xamdi Sanad Looza uu dhawaan ku yimid dalka Somalia.
Booqashadiisa waxa la sheegay inuu ku soo qiimeeyey xaalladda Ammaanka iyo qeybaha Iskaashiga, Ganacsiga iyo Maalgashiga ee labada waddan.
Wafdigaasi waxay kaloo dib-u-eegis ku soo sameeyeen Adeegga Bangiyeed ee Somalia iyo sidii iyo sidii magaalladda Muqdisho looga furi lahaa Faraca Bangiga Dhexe ee Masar ama Bank Misri, kaasi oo la asaasay sannadkii 1920-kii.
Midowga Rugaha Ganacsiga ee Masar oo ay ku mideysan yihiin Ururo Ganacsi oo qeybo badan ka hawl-gala ayaa waxay danaynayaan inay ballaariyaan Fursadaha Ganacsiga ee Somalia, si loo xoojiyo xiriirka Ganacsiga iyo Wax-is-dhaafsiga ee labada Waddan.